Shir looga hadlay Abaaraha Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Addis Ababa

0

Shirkan oo ka dhacay Magaalada Addis Ababa, islamarkaana ay ka qeyb galeen Wasiirro Arrimo Dibadeedyda Urur Goboleedka IGAD ayaa looga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin abaaraha ku dhuftay Dalka Soomaaliya.

Wasiirada ayaa muujiyay in loo baahan yahay gurmad bini’aadannimo oo loo fidinayo malaayiinka ku nool Degaanada ay ka jiraan abaarahan.

Dhinaca kale, Wasiirada Arimaha Dibadda ee Urur Goboleedka IGAD ayaa ka hadlay howlgalka AMISOM, iyo baahida loo qabo in taageero dheeraad ah la siiyo Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Ugu dambeyn, IGAD ayaa sidoo kale xoojisay in loo baahan yahay kordhinta xaqiijinta amaanka Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.