MAQAAL:- Wali ma isweydiinay sababaha keenay in nalagu imtixaano abaaro iyo colaado joogta ah, Maxaase xal ah?

0

Inta aanan ka waramin sababaha keenay in na lagu imtixaano abaaro iyo colaado joogta ah iyo waliba waxa xalka u noqon kara, Aan marka hore wax ka tilmaamo xaalka dalkeenna iyo dadkiisu ay marayaan, Kaasi oo sawir buuxa naga siin doono inta ay la eg tahay dhibaatada maanta na haysata. Waa musiibo runtii in ay isugu kaa darsamaan labadii Alle laga magangeli jiray ee waliba wax walba baabi’in jiray.

Walaalayaal, Waxaa maanta ka jira dalkeena abaar daran oo aan u malaynayo in ay tahay tii ugu darneyd ee abid na soo marta, Marka loo eego dhulka baaxadda leh ee ay ku dhufatay. Abaartan, Ayaa noqotay mid soo noqnoqota oo had iyo jeer geysata dhibaatooyin baaxad leh sida in ay leyso xoolo badan, abuurto cunto-yari iyo macluul, keento cuduro qatar ah, iyo waliba biyo yaraan qatar gelin karta nolosha dadka, gaar ahaan kuwa reer guuraaga ah.

Waa nagu ceyb runtii, In sanad walba la yiraahdo Soomaali ha loo gurmado, Iyadoo aannu awoodi karno inaan dhisanno dowlad xoog leh oo wax ka qabata dhibaatooyinka ka dhaca dalkeena sida abaaraha oo kale. Sidee maalin kasta laguugu soo gurmanayaa yaa turaa ? Yaadse xoolo u dhiibatay, ? Sowse Alle nama siinin dhul uu ka buuxo kheyraad badan ? Maxaase diidaayo in la dhiso dowlad shaqeyn karta ?

Waxaa sidoo kale dalkeen ka socda dagaallo sokeeye oo galaafanayo nolasha dad badan oo Soomaali ah oo aan waxba galabsan. Dagaaladaasi, Ayaa maalinba maalinta ka danbeysa sii yeelanayo wajiyo cusub oo qatar gelin kara jirintaanka dadka Soomaalida ah, gaar ahaan dhalinyada oo ah kuwa had iyo jeer ku baxa. Waxa ay sidoo kale dagaaladaasi sababeen in uu daato dhiiig badan oo ay xaaraam ahayd in la daadiyo, Waana sababtaasi sababta uu dalkani u holcayo.

Ma garaneysaan danbiga ugu weyn ee la galo marka laga yimaado Ilaahay oo loo shariik yeelo ? Mase aqriseen Aayadaha iyo Axaadiista ku soo aroortay masaladan khadhiirka ah ? Walaalayaal, Dagaaladan sokeeye, Waxa ay sidoo kale ku qasbeen dad badan oo Soomaali ah in ay ka cararaan deegaanadii iyo degmooyinkii ay ku noolaayeen, halka kuwa kalena ay ku qasbeen in ay ka qaxaan dalkooda, Iyagoo maciinbiday dalal aysan diin iyo dhaqan midna wadaagin.

Waxaa sidoo kale iyana jira dhibaatooyin kale oo aan ka xusi karo dhaqaalo-xumo, waxbarasha-xumo, khilaafaad daakhili iyo waliba faragelin shisheeye, Taasi oo qatar gelin karta midnimada iyo madaxbanaanida dalka, Iyadoo maalinba maalinta ka danbeysa la soo baxaysa wajiyo cusub oo cabsidooda leh. Waxaa sidoo kale jirta beegsi lagu hayo dhaqanka iyo diinta dadka Soomaalida ah, Iyadoo loogu soo gabanayo gargaarka iyo taageeeridda xuquuqda dumarka.

Wey adag tahay runtii in dalkan uu dego, Islamarkaana uu helo nabad iyo barwaaqo inta uu daadanayo dhiiggan macsuumka ah. Waxaa sidoo kale adag in laga baxo abaarahan iyo colaadaha joogtada ah. Sidee loo helayaa nabad iyo roob marka maalin walba la daadinayo dhiig dad Musilmiin ah, iyadoo la adeegsanayo magacyo kala duwan, Sida magac diimeed, magac dowladeed, magac maamul goboleed, magac kooxeed iyo waliba magac qabiil ?
Markan u soo noqdo dulucda qormadeyda oo aan maanta kaga faaloonayo sababaha keenay in nalagu imtixaano abaaro iyo colaado joogta ah iyo waliba waxa xalka u noqon kara musiibadani baahsan. Hadaba markan dhinacyo badan wax ka eegay, gaar ahaan lixdankii sano ee la soo dhaafay iyo waliba waxyaabaha maanta dhacayo, Waxaa ii soo baxday aragti aan ka duwaneyn midda ay ku celceliyaan Culimada Soomaaliyeed, Taasi oo ah in Umadani ay gashay dunuub waa weyn oo caro Alle u soo jiiday.

Sidan sheegeyba, Waxaa dhacay dunuub waa weyn, Kuwaasi oo aan hal qormo lagu soo koobi Karin, balse aan ka tilmaami karno dhowr ay dadka intiisu badani arki karaan sida dulmi baahsan, Alle oo laga fogaaday, daadinta dhiig macsuum ah, xaqiraad dad Soomaali ah, iyo waliba ku tagrifal awoodeed oo keentay musiibada maanta taagan.

Dunuubtan aan soo sheegay iyo kuwa kale oo lagu darayba, Waxa ay keeneen aafooyinka maanta jira, Kuwaasi oo dadka intiisa badani aysanba isweydiineyn sababaha keentay. Tusaale ahaan, Waxaad arkeysaa Iyadoo laga doodayo sidii loo dhisi karaa dowlad Soomaaliyeed oo shaqeysa, halka aan waxbaba la iska weydiineyn wixii dumiyey tii hore. Waana sababtaasi sababta uu u sii fogaanayo xalka Soomaaliya. Midda kale, Maxaa diidaayo inaan isweydiino sababta aan rafaadeyno ? Why We are suffering ?

Dadka caqliga lahi, Waxa ay had iyo jeer ka doodaan in ay marka hore fahmaan asbaabaha keenay dhibaatooyinkooda, halka Soomaalidu ay ku mashquulsan tahay sidii ay xal ugu heli lahayd waxyaabaha ka dhasha dhibaatooyinkooda. Tusaale ahaan, hadda waxaad arkeysaa Iyadoo laga hadlayo sidii loogu gurmanan lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen, Laakiin ma arkeysid cid ka hadleysa asbaabaha keenay abaarahan.
Anigu, Shaqsiyan waxan qabaa xaaladda aan maanta ku sugannahay ee muragada badan in ay tahay natiijadii ka ka dhalatay dunuubtii waa weyneyd ee aan galnay, Taasi oo ilaa maanta socota. Bal fiiriya waxyaabaha eegga ka socda dalkeenna sida dhiiggan daadanayo, hantidan la burburnayo bilaa sababka iyo waliba dadkan la iska xirxirayo sida CabdiMaalik oo kale. Ma garaneysaan sababta uu u xiran yahay walaalkeen CabdiMaalik ? Wuxu u xiran yahay oo kaliya maxaad Xamar u tagtay !!

Walaalayaal, Marka lagu shukrin waayo nimcooyinka Alle, Ama ay dunuubtu badato ama la iska qaban waayo sida tan (Ribo la sharciyeynayo iyo xabsi bilaa sharci ah) hadda ka socota Hargeysa oo kale, Waxa la sugaaba waa ciqaab mina Laahi ah sow ma’ahan ? Bal ila fiiriya aayadda 112 ee suuratu Naxle (وَضَرَبَ اللَّهُ مَثَلًا قَرْيَةً كَانَتْ آمِنَةً مُطْمَئِنَّةً يَأْتِيهَا رِزْقُهَا رَغَدًا مِنْ كُلِّ مَكَانٍ فَكَفَرَتْ بِأَنْعُمِ اللَّهِ فَأَذَاقَهَا اللَّهُ لِبَاسَ الْجُوعِ وَالْخَوْفِ بِمَا كَانُوا يَصْنَعُونَ). Bal sidoo kale ila eega aayada 30-naad ee suuratu Shuuraa ( وَمَا أَصَابَكُم مِّن مُّصِيبَةٍ فَبِمَا كَسَبَتْ أَيْدِيكُمْ وَيَعْفُو عَن كَثِيرٍ)

Labadan aayadood iyo kuwa la midka ahba, Waxa ay noo cadeeyeen inaan la liibaani doonin marka lagu shukrin waayo nimcooyinka Allaah, Ama la caadeysto dulmi iyo gardarro sida midda uu hadda u xiran yahay walaalkeen Cabdimaalik oo kale iyo waliba dadka la midka ah ee ka buuxa xabsiyada madow ee u furan dhinacada siyaasadeed ee dalka ka jira sida DF, Al-shabab, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo waliba kuwa la midka ah.
Walaalayaal, Marka ay waxyaabahani oo kale dhacaan, Waxa la sugaaba waa abaaro iyo colaado joogta ah iyo wax ka sii xun, Maxaa yeelay waxaa horay loo yiri Aljazaau min jinsil camal. Kamaa ta diinu tudaan. Hadaba maxaa xal ah ? Xalkusi ma imaan karaa Iyadoo aanan xaalkeenna wax ka badalin ?

Anigu, waxaan qabaa runtii in xal la heli karo, balse marka hore waxaa loo baahan yahay inaan wax ka badalno dhaqankeena iyo sida aan u fikirno, Sababtoo ah Alaah waxa uu Quraakiisa ku cadeeyey sunno thaabit oo aan isbadalin, Taasi oo ah: In Ilaahay aannu xaalka qowm badaleynin ilaa in ay Iyagu xaalkooda badalaan mooyaana. Of course, Sidee roob ugu da’ayaa meel lagu daadinayo dhiig dad muslimiin ah oo aan waxba galabsan !!

Ugu danbeyntii, Waxaan soo jeedinayaa talooyin dhowr ah oo aan isleeyahay waxa ay xal u noqon karaan musiibadan maanta taagan ee ay kowga ka yihiin abaarahan iyo colaadaha joogtada ee faceenna naga reebay. Waxaana talooyinkaasi ka mid ah kuwa soo socda:
1-In Alaah loo towbad keena maca shuruudhi towbah.

2-In la joojiyo dhiiggan daadanayo inta aanu musiibo hor leh keenin.

3-In la sii daayo dadka masaakiinta ah ee ka buuxa xabsiyada madow.

4-in la iscafiyo guud ahaan inta aanan daayeero la noqonin.

5-In loo gurmado dadka masaakiinta ah ee ay abaaruhu saameeyeen.

6-In lala yimaado tanaasul buuxa si dalkan iyo dadkan loo badbaadiyo.

7-In la diyaariyo shir musaalaxo ah oo xal ka gaara dhibaatooyinka ka jira dalkan.

W/Q: Maxamed Ibrahim (Ragow)
Ragow1960@hotmail.com