Wararka naga soo gaaraya magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya inuu fashilmay weerar la doonayay in lagu qaarajiyo wasiirka hubka dhigista iyo dhaqan celinta maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Xasan Maxamed Xuseen
Wasiirka oo la socday gaadiid deeq raashin ah uwaday dadka ay abaaruhu saameeyeen ayaa lagu weeraray banaanka magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, waxaana halkaas waxyeelo ay kasoo gaartay qaar kamid ah askartiisa.
Wasiirka ayaa ka bad baaday weerarkaas oo ay doonayeen kooxda AlShabaab iney ku qaarajiyaan, waxaana dhexmaray dagaal mudo socday.
Dhanka kale ciidamada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday fariisimo ay AlShabaab ku lahaayeen deegaanka Buulo-xaw oo qayaastii 35 KM ujira magaaladda Bardaale ee gobolka Bay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-
https://www.youtube.com/watch?v=TMVvgu88Sdo