DAAWO:- Siyaasi la filayay inuu kusoo bixi doono Wasiirada RW Kheyre oo lagu arkay Magaalada Hargeysa

0

Saxaafada ayaa xili hore tabisay in Dr Maxamed C/laahi Cumar oo soo noqday wasiirka arimaha dibadda Somaliland uu haatan ku sugan yahay Muqdisho isla markaana uu kamid noqon doono xukumada la filayo in dhawaan uu ku dhawaaqo RW Xasan Cali Kheyre.

Dr Maxamed Cabdullahi ayaa isagoo maanta saxaafada la hadlayay magaaladda Hargeysa sheegay in xisbiyada mucaaradka Somaliland ay ka dambeyeen arimahaas qorshahana uu ahaa in siyaasadiisa Somalilana lagu dhaawaco.

Siyaasigan ayaa sheegay inuusan waligiis ku fakarin inuu kamid noqdo dowlada dhexe ee Soomaaliya isla markaana uu ku kalsoon yahay inuu Somaliland xil kale ka qabto.

Hadalka Dr Maxamed ayaa kusoo aadaya iyadoo la rumeysan yahay in siyaasiyiin badan oo ka socota Somaliland ay ku sugan yihiin Muqdisho iyagoo xil raadinaya.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-

https://www.youtube.com/watch?v=CSjOJkrNTX8