DHAGEYSO WAREYSI:- Maxay tahay Sababta ay Cunada kaga soomeen Maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe ee Hargeysa?

0

Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa Waxaa kujira Maxaabiis fara badan kuwaas oo loo heysto danbiyo kala duwan, Qaar kood waa la xukumay halka kuwo kalena ay yihiin dad la soo eedeeyay oo aan wali maxkamad xukumin.

Dadka kujira xabsiga dhexe ee Hargeysa waxaa kamid ah 20 Dhalinyara ah oo laga qabtay Xeebaha Soomaaliya xili la sheegay iney ku howlanaayeen falal burcad badeednimo Sanadii 2011-Kii.

Dhalinyaradan oo markii hore lagu qabtay 29 ayaa  waxaa Xukunadoodii dhameystay Sagaal oo dib xoriyadoodii loo siiyay.

Maxaabiistan oo ka soo jeeda Gobolada Koofureed ee dalka ayaa sheegaya iney dhibaato kala kulmayaan Ciidanka ku sugan xabsiga ay kujiraan.

Dadkaan ayaa sheegay in Markii hore la qabtay iyagoo isaga kaluumeysanaya Xeebaha Soomaaliya laguna wargaliyay iney yihiin Burcad Badeed la baadi goobayay.

Mid kamid ah Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee Hargeysa ayaa inoo sheegay iney maxaabiista Cunadii ka soomeen tan iyo Axadi hore maadaama loo diiday in loo soo wareejiyo xabsi ku yaala Muqdisho sidii horayba balantu eheyd.

Waxa ay tilmaameen in markii loo wareejinayay Xabsiga Dhexe ee Hargeysa loo sheegay ineysan Muqdisho kajirin xabsiyo lagu hayo dadka lala xiriiryo Falalka Burcad Badeednimo sidaas daraadeedna loogu wareejiyay deegaanada Maamulka Somaliland.

Waxa uu dhinaca Kale Maxbuuskan magaciisa uqariyay Arimo amni darted  Mustaqbal usheegay in Madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweynaha,Ra’iisul wasaarihiisa iyo Gudoomiyaha Baarlmaaanka looga baahanyahay iney soo faragaliyaan arintan.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA