DHAGEYSO:- Michael Keating oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Norway

0

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa dalka Norway waxa uu kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway oo sigu jirtay Dhalinyaro, Haween iyo Ganacsato ayaa Michael Keating waxa uu kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin in ay ka qeyb qaataan Gurmadka Abaaraha, taageerada Dowladda cusub iyo waxyaabo kale.

Michael Keating ayaa ugu baaqay Soomaalida Norway in ay bixiyaan wixii ay awoodaan, oo dhaqaale ah, si loogu badbaadiyo Soomaalida ku dhibaateysan Gobolada dalka, oo xoolohooda ay galaafatay Abaarta.

Waxa uu sidoo kale ka dalbaday Jaaliyadda Norway in ay taageeraan Dowladda curdunka ah ee Soomaaliya, si ay lugaheeda ugu istaagto oo ay u gaarto hormaro hiigsi iyo ujeedo sare leh.

“Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway waxaan idin kugu baaqayaa inaad mar walba ku dadaashaan taageerada aad siinaysaan Dowldda cusub, kana qeyb qaadataan Gurmadka Abaaraha ee jira dalka, Abaaraha ka jira dalka waxa ay yihiin kuwo sii xoogeysanaya, waxaa loo baahan yahay in laga hortago” Ayuu yiri Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay.

Qaar ka mid ah Soomaalida ka qeyb gashay kulankaasi ayaa dhankooda waxa ay balan qaadeen in ay sameyn doonan wax walba oo lagu hormarin karo dalka, si loo gaaro guulo la taaban karo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-