WAR DEG DEG:- Maxaadan ogeyn oo Goordhow ka dhici doona Garooowe ?

0

Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa saaka waxaa kadhici doona isu soo bixii ugu ballaarnaa ee roob-doon ah oo shacabka iyo mas’uuliyiintuba Alle kaga baryayaan raxmaddiisa.

Isu soo baxaan roob-doonta ah oo kadhici doona guud ahaanba Puntland ayaa waxaa ka qaybgeli doona qaybaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda dowladda Puntland.

Dowladda Puntland ayaa dhowaan iclaamisay in maalinka Isniinta ah la soomo Khamiistana la roob-doono, waxaana ay ku soo aadaysaa xilli dalka abaar darani kajidho.