TOP DHAGEYSO:- Puntland oo lagu eedeynayo inay Markabka Khasaare gaarsiiyay iyo Maxaa ka cusub Dagaalka Caluula?

0

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Xeebta Degmada Caluula ee Gobolka Bari, dagaal u dhaxeeyay ciidamada Badda Puntland iyo Burcadda haysata markabka shidaalka sida ee Muqdisho ku soo socday.

Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamada Puntland ay weerareen Doonyar oo shixnad raashin ah u waday Burcadda, taasina waxa ay keentay in Burcadda ay iska caabiyeen Ciidamada Puntland.

Mid ka mid ah Kooxaha Burcadda ayaa Warbaahinta wuxuu u sheegay in ciidamada Puntland ay weerarka ku soo qaadeen ayna iska caabiyeen dagaalkaasi.

Wuxuu sheegay ninkaan ka tirsan ciidamada haysta markabka inay Khasaare gaarsiiyeen ciidamada Puntland ee weerarka ku soo qaaday, isaga oo ku hanjabay, hadii ciidamada Puntland ay joojin waayaan dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan inay dhibaato la kulmayaan.

Lama oga inta uu la eeg yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka dhexmaray ciidamada Puntland iyo Xoogaga hubaysan ee gacanta ku haya markabka shidaalka sida ee afduubka ay kula dhaqaaqeen.

HALKAAN KA DHAGEYSO