DAAWO:- Jaakad la Shaqaynaysa Mobile oo Markii ugu horeyay la Soo Saaray

0

Shirkadda Google iyo shirkadda kale dharka soo saarta ee Levi’s ayaa soo wadasaaray jaakad la shaqaynaysa teleefoonka gacanta.

Sida ay u wada shaqaynayaan jaakadda iyo teleefonka ayaa aad u sahlan, waxay ku wada shaqayn doonaan Bluetooth,  tusaale ahaan haddaad jaakadda halka saacadda lagu xirto ama cumaacumta  aad dhinac laba farood ugu salaaxdo waxay kuu sheegaysaa waqtiga, haddaad dhinaca kale ugu salaaxdo halkaad joogto ayay kuu tilmaamaysaa.

Haddii sidoo kale aad laba farood ku garaacdo waxay kuu shidaysaa wixii maqal ah ee teleefankaaga ku jira. Qiimaha jaakadda ayaa lagu sheegay 350 doolar.

Ivan Poupyrev oo ah madaxa mashruuca farsamooyinka ee Google ayaa isagoo hadlaya wuxuu yiri, “Waxaan doonaynaa inaan macaamiisheena usoo bandhigno  wax anfaca meel kasta oo ay joogaan iyo howl walba oo ay ku jiraan, hadday lugaynayaan ama baaskiil ku socdaan ama gacmohoodu ay wax kale mashquul ku yihiin”.

Hoos ka Daawo Sawirada:-