Isu soo bax roob doon ah ayaa maanta waxa uu ka dhacayaa caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
Banaanbaxan oo dhowaan ay ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah in uu ka qabsoomo qeybo ka mid ah Soomaaliya.
Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb gali doonta.
Roobkii deyrta ayaan weli si wanaagsan uga di’in dalka waxayna sababtay in xoolaha nool ay dhintaan kadib markii ay waayeen wax ay cunaan.
Soomaaliya ayaa Sanadkaa waxaa ku dhufatay Abaar dalka oo dhan Saameysay.