WAR DEG DEG AH:- Qarax Xoogan oo ka dhacay magaalada Kismaayo

0

Wararka inaga soo gaaraya xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi uu ka dhacay Qarax.

Qaraxan ayaa dhacay kadib markii Ruux la sheegay in uu isku soo xiray waxyaabaha Qarxa uu ku Qarxay halkaasi, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka Maamulka Jubbaland.

Ciidanka ammaanka Maamulka Jubbaland oo goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay wadaan baaritaano ku aadan, sida ay wax u dhaceen.

Sidoo kale Ciidamada ayaa waxa ay xireen Afarta jiho ee goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka kala eryeen dadkii isugu yimid goobta.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media