Faa faahin dheeri ah ayaa laga helayaa Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay qaraxa xoogan ee ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Wehliye ee Degmada Holwadaag.
Saraakiisha Hay’adaha ammaanka ayaa illaa hadda ku jahwareersan gaariga qarxay nooca uu yahay, marka laga soo tago inuu ahaa gaari yar oo nooca raaxada ah, maadaama gaariga uu bur buray, lana waayay raad laga ogaado nooca gaariga.
Sidoo kale Saraakiisha Hay’adaha ammaanka waxa ay kala saari la’yihiin gaariga inuu meesha yaalay iyo inuu ruux kaxeynaayay, sida ay inoo sheegeen Saraakiil ka tirsan Hay’adaha ammaanka.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Suxufiyiinta u sheegay in Shan ruux ay ku geeriyoodeen qaraxaasi, dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.
Xalane oo aan kala saarin dadka dhintay ciidan iyo shacab inta ay kala yihiin, ayaa qaraxaasi ku eedeeyay Ururka Al Shabaab inay ka dambeeyeen.
Suxufiyiintii tagay goobta ay wax ka dhaceen, ayaa arkay meydka hal askari oo ciidamada illaalada Hotelka ka mid ahaa iyo meydadka dad kale oo shacab ahaa oo qaarkood goobo ganacsi ku lahaa nawaaxiga Hotelka Wehliye.
Goobta weli waxaa ku sugan ciidamada ammaanka oo baaraya gaariga qarxay, inkastoo weli aanan la ogaan nooca gaariga qarxay.
Hoos ka Daawo Sawirada:-