Wasiirka arimaha dibada dalka Kenya Amina Maxamed ayaa ka hor sheegtay Barlamaanka dalkeeda in amni darida ka jirta Soomaaliya ay ku qasabtay inay hakiyaan dhismihii safaradooda ee magaalada Muqdisho.
Amina Maxamed ayaa u sheegtay gudiga difaaca iyo arimaha dibada ee Barlamaanka dalkaasi in mashruuca dhismaha safarada Kenya soo bilaabmay bishii Agust sanadkii 2015ka waxana lagu waday in ladhamaystiro dhamaadka 2016-ka.
Iyadoo ka hor hadlaysay xubnaha Barlamaanka waxa ay tiri “gaabis ayaa ku yimid in aynu dhisno safaaradeeni Muqdisho kadib markii ay sii kordheen arimaha lidiga ku ah amaanka caasimada Soomaaliya balse waxaan idin xaqijinayaa in la dhamaystiray 35% dhismaha safarada”.
March 2014kii ayay ahayd markii ay Kenya sheegtay inay qorsheenayso dib u furashada safaradoodi Soomaaliya si ay u xoojiso xiriirkeedi diplomasiyadeed ay Somalia la leedahay.
Safarada Kenya ee Somalia ayaa si KMG uga howlgalaysay Nairobi inta aysan kusoo dhiiran dhowr safaaradood inay ka shaqeeyan Soomaliya kuwaa oo degay xarunta Xalane oo taliska ugu weyn ee AMISOM ah.
Kenya waxa ay kamid ahayd wadamadii safaradahoodi xiray ay Soomaali ku lahaayen sanadka 1990ki markii dagaal beeledyadu ka dilaaceen Muqdisho.