WAR DEG DEG:- Ciidamadii Gadoodsanaa ee Puntland oo Garowe Go'aan lagu farxo ku gaaray

0

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal Ciidamadii Gadoodsanaa ee dhowaan la wareegay Kontroolka Koonfureed ee Magaalada Garowe ayaa la sheegay in halkaasi ay ka tageen.

Hoggaanka dhaqanka Magaalada Garowe oo dadaal dheer sameeyay ayaa sababtay in Ciidamadan lagu qanciyo in ay ku laabtaan xeryahooda, sida ay sheegeen wariyeyaasha ku sugan halkaasi.

Waxgaradka Gobolkaasi ayaa maalmihii dambe waxa ay wadeen dadaalo lagu qanciyay Ciidankan, maanta ayayna suura gashay, kadib markii Ciidanka loo sheegay inaan cabashadooda la xalin ilaa ay xeryahooda ku laabtaan, taasi ayaa sababtay in ay aqbalaan.

Saraakiisha hoggaamineysay Ciidanka la wareegay Kontoroolka Koonfureed ee Magaalada Garowe ayaa waxa ay sheegeen in aysan mushaar qaadan mudo ku dhow 9-aad bilood, waxayna taasi ku eedeeyeen Wasaaradda Maaliyadda Puntland, inkastoo Madaxda Puntland ay sheegeen in aysan jirin Ciidamo mushaar la’aan ah.

Gaadiidkii  ku xanibnaa Kontoroolka Koonfureed ee Magaalada Garowe ayaa la sii daayayJ imcadii ina dhaaftay, kuwaasi oo si maalinle ah u geli jiray Magaalada sidoo kalena uga bixi jiray.

Ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland ayaa 8-dii bishan waxa ay la wareegeen Kontoroolka Koonfureed ee Magaalada Garowe, kadib markii ay sheegeen in ay u adkeysan waayeen mushaar la’aanta in mudo ah heysay.