TOP DHAGEYSO:- War cusub oo laga soo saaray Abaarta ka jirta Soomaaliya

0

Madaxa hawlaha bani’aadminimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Abaarta ka jirta Soomaaliya in ay saameyn ku yeelatay kala bar dadka Soomaaliyeed , islamarkaana qaarkood ay la ila daran yihiin Macaluul daran.

Stephen O’Brien ayaa u sheegay golaha amaanka ee Qaramada Midoobey in dadka Soomaaliyeed  6.2 Milyan ay u baahan yihiin Kaalmo bani’aadminimo.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay jiraan dad badan oo xilligaan la ildaran Macaluul.

Qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya ayuu sheegay in wali ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab , islamarkaana ay adag tahay in la gaarsiiyo Gargaar.

HALKAAN KA DHAGEYSO