TOP DHAGEYSO:- Ciidamo ka cabanaya Mushaaradii ay Xaqa u lahaayeen oo la Musuq maasuq

0

Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada militeriga DF Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday ineysan wax mushaar ah helin mudooyinkii ugu dambeeyay.

Maxamed Cali Xasan oo kamid ah saraakiisha ciidamada militeriga Soomaaliya ayaa sheegay in xaaladooda ay halis ku jirto maadaama uu ogsoon yahay in mushaarkoodii ay xaqa ulahaayeen ay dadkii loo soo dhiibay qaateen.

Sargaalkan ayaa ka dalbaday madaxweynaha DF Soomaaliya inuu soo fara geliyo arintan maadaama ay yihiin ciidamo mudo dheer udagaalamayay in la helo dowladnimo Soomaaliyeed.

Ciidamo badan oo ku sugan gudaha dalka ayaa ka cabanaya mushaar la’aan aad uxoogan taas oo sababtay in amaankii qeybo kamid ah dalka ay faraha ka baxday.

 

 

 

HALKAAN KA DHAGEYSO