WAR DEG DEG AH:- Puntland oo Xabsiga ka sii deysay Nabadoon Xarago

0

Maamulka Puntland ayaa xabsiga waxa ay ka sii daayeen Nabadoon C/qaadir Ibraahin Xarago oo ku xirnaa xabsiga Magaalada Boosaaso, ka dib markii Puntland ay ku eedeeyeen Nabadoon Xarago inuu Shabaab yahay.

Odayaal ku qabiil ah Nabadoon Xarago ayaa muddo wada hadal la lahaa Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali “Gaas”, waxayna kala hadlayeen arimaha ku aadan sidii Nabadoonka dib loogu siin lahaa xuriyadiisa.

Wararka waxa ay sheegayaan Nabadoon Xarago in maanta la sii daayay, laguna sii daayay shuruudo ku aadan inuusan dib dambe uga hadli karin waxyaabo kicinaya Bulshada reer Puntland.

Nabadoon Xarago ayaa la faray hadii uu wax ka hadlaayo inuu ka hadlo arimaha ku aadan wanaaga Puntland iyo hurumarada kala duwan ee Puntland ay ku tilaabsatay.

Nabadoonka ayaa la sheegay inuu aqbalay dhamaan qodobadaasi ka soo baxay Shirkii ay yeesheen Odayaasha ku qabiilka ah iyo Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali (Gaas).

Nabadoon C/qaadir Xarago ayaa muddo 16 cisho ah wuxuu ku xirnaa Xabsiga Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.