Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle, ayaa waxaa hareeyay buuq, kadib markii maanta Xildhibaanada ay guda galeen arinta ku aadan cod u qaadista Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabelle.
Iyadoo lagu guda jira cod u qaadista Xubnaha Golaha Wasiirada maamulka Hirshabelle, ayaa waxaa dhashay Buuq, kadib markii Guddoonka Baarlamaanka uu diiday in la soo tiriyo codadka Xildhibaanada.
Xildhibaanada ayaa gacan taag ugu codeeyay Golaha Wasiirada, balse lama helin tirada saxda ah ee codeysay, inkastoo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle uu ku dhawaaqay in 71 Xildhibaan ay ansixiyeen Wasiirada.
Xildhibaan Cabdi Wali Sheekh Cali oo ka tirsan Xildhibaanada Hirshabelle ayaa sheegay wax la ansixiyay inaysna jirin Xildhibaanadana ay ka soo horjeedaan Golaha Wasiirada Hirshabelle.
Weli buuqa ayaa taagan oo Xildhibaanada waxa ay ku sugan yihiin xarunta Baarlamaanka Hirshabelle.
Suxufi ku sugan Magaalada Jowhar ayaa soo sheegaya in Xildhibaanada ay u kala qaybsan yihiin kuwa taageersan Golaha Wasiirada iyo kuwa ka soo horjeeda, balse ay badan yihiin kuwa ka soo horjeeda.