Baarlamaanka Hirshabelle oo ka doodaya Mooshin ka dhan ah Golaha Wasiirada Hirshabeelle

0

Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maanta yeelanaya kulan loogaga doodayo mooshin loogaga soo horjeedo golaha wasiirada ee uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Hirshabeelle.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Hirshabeelle ayaa u gudbiyay shir guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle mooshin ay ugaga soo horjeedaan golaha wasiirada dowlada Hirshabeelle ee uu dhowaan ku dhowaaqay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble.

Xildhibaanada gudbiyay mooshinka ayaa waxa ay ku doodayaan in Maamul goboleedka Hirshabeelle inuusan qaadi karin gole wasiir oo tiradoodu gaareyso 52 wasiir iyagooo dalbaday in laga yareeyo tirade golaha wasiirada.

Sidoo kale golaha wasiirada ayaa waxa ay ka doodayaan xeer hoosaadka baarlamaanka waxana jira sidoo kale khilaaf ka taagan qoddobo ka mid ah xeer hoosaadka sida qodob sheegaya in laga keeni karo mooshin xildhibaanka.

Dhowaan ayaa kudlo la magacbaxday kudlada badbaadinta sharciyada Hirshabeelle waxa ay cadeeyeen inay ka soo horjeedaan qaar ka mid ah qodobada xeer hoosaadka.

Kulakan maanta uu yeelanayo baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo xalay ay soo gaareen magaalada Jowhar Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble iyo ku xigeenkiisa Cali Cabdulaahi Xuseen.