WAR DEG DEG AH:- Gudoomiyaha Degmada Luuq Maxamed Cismaan Oo Gaarigiisa Bomb Loogu Xiray.

0

Wararka inga soo gaaraya Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi Qarax lagula eegtay Guddoomiyaha Degmada Luuq ee Gobolka Gedo Maxamed Xuseen Cismaan.

Qaraxan ayaa nuuciisa waxaa lagu sheegay Miinada dhulka lagu Aaso waxaana lala eegtay Gaari uu watay Guddoomiyaha, sida ay Risaala u sheegeen saraakiisha laamaha ammaanka ee Degmada Luuq.

Inta la xaqiijiyay Qaraxan ayaa waxaa ku geeriyooday Hal Askari, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Guddoomiyaha Degmada Luuq Maxamed Xuseen Cismaan iyo 4 ka mid ah ilaaladiisa.

Dhaawaca Guddoomiyaha Degmada Luuq iyo ilaaladiisa ayaa waxaa loola cararay Isbitaal ku yaalla Degmada Luuq oo ay maamulaan Ciidanka Midowga Afrika ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaasi gaaray ayaa waxa ay wadaan baaritaano, lagu raadinayo raggii ka dambeeyay falkan.

Saraakiisha Gobolka Gedo, ayaa waxa ay masuuliyadda Qaraxan dusha kaga tuureen Shabaab, oo dagaal kula jira Maamulka Gobolkaasi, oo taabacsan Jubbaland.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media