WAR DEG DEG AH:- Askar kenyaan ah oo lagu dilay deegaanka Lamu

0

Wararka ka Imaanaaya Deegaanka Lamu ayaa sheegaaya in Qaraxyo Halkaasi lagula eegtay Ciidamo katirsan Kenya oo Xiligaasi sida la sheegay ku howlanaa Dhisida Jid cade oo ay Ciidamada Kenyaanka ah ka sameynaayeen Lamu.

Weerarkaan ayaa dhacay Shalay Gelinkii dambe Kadib Markii sida Lasheegay Ay weerareen Ciidamo katirsan Al-shabaab oo weerar Gaadmo ah ku Qaaday Ciidamadaasi.

Al-shabab ayaa sheegay in Weerarkaasi ay kudileen Afar askari oo katirsan Ciidamada Dowlada kenya Iyagoona Sidoo kale Sheegay in ay Gubeen Afar kamid ah Gawaaridii ay Wateen Ciidamadaasi Kenyaanka ah.

Dhinaca kale dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in halka askari looga dilay qaraxyada halka 5 Askari ay uga dhaawacmeen qaraxyo Shalay lagula beegsaday deegaanka Laamu.

Wargeyska The Star ee kasoo baxa magaalada Nairobi oo soo xiganaya saraakiil katirsan booliska ayaa sheegay in qaraxyada khasaaraha dhaliyay ay gaarayeen laba qarax kuwaasi oo loo adeegsaday miinooyin dhulka lagu aasay.