SAWIRRO:- Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay safiirka Jermalka ee Soomaaliya iyo Kenya.

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Safiirka Jermalka u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Kenya Ambassador Jutta Frasch, ayaa ka wada hadlay sidii dib loogu soo nooleyn lahaa xiriirkii Taariikhiga ahaa ee labada dal, madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Fedraalku ay diyaar u tahay wax wada qabsiga iyo iskaashiga ballaaran ee u dhaxeeyey Jermalka iyo Soomaaliya, xilligaanna ay aad uga muhiimsan tahay marxaladihii la soo maray.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sidoo kale kala hadlay Ambassador Jutta Frasch abaaraha dalka ka jira iyo sida ay muhiim u tahay in dowladda Jermalka gacan ka geysato gurmadka dadka ay aafeeyeen abaaraha.

Ambassador Jutta Frasch, ayaa sheegtay in ay dib u soo nooleyn doonto dowladda Jermalka mashaariicdii ay horey uga fulin jirtay Soomaaliya, sida dib u dhiska adeegga waxbarashada, gaar ahaan dugsiyadii farsamada gacanta, tababarrada xirfadaha dhallinyarada iyo ka qeyb-qaadashada kor u qaadidda Tayada ciidammada amniga Soomaaliya.

Kulanka waxaa joogey wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane Cabdi-salaam Hadliye Cumar iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya Ambassador Cali Fiqi.