DHAGEYSO:- Somaliland oo qabatay nin Weerar ku qaaday Saldhig Ciidan

0

Ciidamada Booliska Maamulka Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay in dhawaan Saldhig ku yaalla Magaalada Hargeysa ku dhaawacay Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska maamulka Somaliland.

Taliyaha ciidanka Booliska maamulka Somaliland Cabdullaahi fadal Iimaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ninkaasi uu ahaa Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska islamarkaana uu weerar ku qaaday Saldhig ku yaalla Hargeysa.

Ninkaasi ayaa isku dayay in uu u baxsado dhanka dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya laakiin ciidanka Booliska Somaliland ay kasoo qabteen Gibilay.

Dhawaan ayay aheyd Markii Kooxo hubeysan ay Weerar ku qaadeen Saldhig ku yaalla Hargeysa , islamarkaana ay dhaawaceen taliyihii Saldhiga iyo sidoo kale Askari kale.

Hoos ka Dhageyso Codka:-