DHAGEYSO:- Maamulka Gobolka Banaadir oo Amaro Culus dul dhigay Shirkaddaha Korontada

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Shirkaddaha Bixiya Korontada ku Amray in korontada ay gelinayaan Suuqa Bakaaraha in ay marsiiyaan dhulka hoostiisa.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo maanta booqday Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in aan la aqbali doonin Shirkadaha Korontada ay Suuqa Geliyaan Koronto Kor laga keenay , waxaana uu sheegay in laga doonaayo in ay soo marsiiyaan Korontada dhulka Hoostiisa gaar ahaan kuwa la gelinayo Bakhaarada iyo dukaamada Suuqaasi ku yaalla.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ganacsatada laga doonaayo in ay  furaan wadooyinka xiran si loo badbaadiyo hadii uu suuqa dab ka kaco.

Bishii hore ee Fabraayo ayay ahayd Markii Suuqa Al Khaliifa oo ku yaalla Suuqa Weyn ee Bakaara ee Muqdisho uu ka kacay Dab Khasaaro badan dhaliyay

Hoos ka Dhageyso Codka:-