Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka logu baahan yahay in ay Warbixin dhameystiran u keenaan Baarlamaanka Soomaaliya dhamaadka Sanadkaan 2017.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Guddiga lagula Xisaabtamayo shaqooyinkooda, lagana doonayo sida uu sheegay in ay k shaqeeyaan sidii doorasho qof iyo Cod ah ay Soomaaliya ugu dhici lahayd Afar sano ka dib.
Jawaari ayaa sidoo kale sheegay in aysan sugi doonin in waqti badan uu kaga lumo xaqiijinta iyo Dalka doorasho qof iy Cod ah ay ka dhaceyso iyo in kale, Waxa uu sheegay in Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka loogu baahan yahay in ay warbixintooda sida ugu dhaqsiyaha badan ugu guddbiyaan Baarlamaanka.
Guddoomiye Jawaari ayaa guddiga ugu baaqay in ay dardar geliyaan howlaha ay hayaan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib kulan uu la qaatay Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka.
Hoos ka Dhageyso Codka:-