DAAWO:- Sida loo Xasuuqay Ciidanka Kenya iyo Al-Shabaab oo guulo sheegtay

0

Weerar Miino ayaa lala beegsaday ciidamo ka tirsan Milateriga Kenya ayaa dhaliyay dhimashada askari Kenyaan ah iyo 5 kalena oo lagu dhaawacay.

Laba qarax ayaa ka dhacay degmadda Lamu oo ku dhow xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana qaraxu burburiyay Gaari ah kuwa gaashaaman.

Weerarka oo ahaa kii ugu horeeyay ee ciidamada Kenya lala beegsado ayaa ka dhacay degaanka Sirira iyo Ishaken ee ka wada tirsan Degmadda Lamu.

Ciidamada Kenya ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay weerarka u adeegsadeen miinooyin dhulka lagu aaso. Qasaaraha ciidamada Kenya soo gaaray ayaa la filayaa inuu sii bato.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dileen 4 Askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Kenya ka dib Markii ay Qarax la eegteen Kolonyo ka tirsan ciidanka dalka Kenya.

Hoos ka Daawo Sawirada:-