TOP DHAGEYSO:- Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo sheegay Lacagaha Deeqda abaaraha ay heleen inay ku iibin doonaan Gaadiid

0

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/Xakiin Cumar cameey ayaa sheegay in lacagta $150,000 ee ay Puntland ka heshay Guddiga abaaraha Qaranka  ay ku iibinayaan gaadiid biyo lagu dhaamiyo.

C/Xakiin Cameey waxaa uu sheegay in lix Gaadiidka waa weyn ah ay ku iibinayaan lacagta soo gaartay islamarkaana ay gaadiidkaas hadda diyaaryihiin,maalmaha dhowna ay shaqeyn doonaan.

Waxaa uu dhanka kale sheegay in arintaas ay kala tashadeen Guddiga Abaaraha qaran ee Heer Federaal islamarkaana ay amaan kala kulmeen sida uu yiri.

Camay ayaa sidoo kale wuxuu sheegay gudiga abaaraha heer Federal inuu ka hadlay xaalada abaraha ka jira Soomaaliya wuxuuna sidoo kale soo hadal qaadya inay Puntland meeshii ugu horaysay abaarta ay tahay.

HALKAAN KA DHAGEYSO