DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo Dab qabad siiyay Tuulo dhan

0

Wararka naga soo gaaraya Tuulada Gaalleefta oo ka mid ah Tuulooyinka Hoos yimaada Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay xalay dab qabadsiiyeen Tuuladaasi.

Tuullada ayaa la sheegay intii u dhaxeysay Cisha iyo sidoo kale Maqrib in ay yimaadeen Al-Shabaab ,islamarkaana ay gubeen.

Mid ka mid ah dadka degaanka Warbaahnta u sheegay in dadkii kunoolaa Tuulada ay horay u barakaceen ka dib markii ay Al-Shabaab u hanjabeen.

Sidoo kale waxaa uu tilamaamay in hadda aysan haysanin meelo ay galaan Madaam guryahoodii la gubay.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan Sababta keentay in ay gubaan Tuullada Gaalleefta.

HALKAAN KA DHAGEYSO