DEG DEG:- Farmaajo oo amar deg deg ah bixiyay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Nabad sugidda, Millitariga iyo Booliska.

Waxa uu kala hadlay xaalada ammaan ee dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho, oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen dilal qorsheysan, kuwaasi oo loo geysanayay Mas’uuliyiinta Dowladda iyo dad shacab ah.

Sidoo kale Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa saraakiisha ammaanka kala hadlay dhacdadii shalay Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda uu ku dilay Qof shacab ah oo watay Gaari, taasi oo ka dhacday Laami yaraha Zoobe ee Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa saraakiisha ammaanka Dowladda Federaalka ku amray in Cadaaladda la waafajiyo Askarigii shalay dilay Qofka shacabka ah, kaasi oo la sheegay in uu ka tirsan yahay Ciidamada Millatariga.

Ciidanka Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Millatariga ah ayaa inta badan marka ay marayaan wadooyinka waa weyn ee Muqdisho waxa ay u socdaan si masuuliyad daro ah, taasi oo sababta in ay si cad u jireen dadka shacabka ah ee wadada hareeraheeda maraya, balse amarka Madaxweynaha ayaa ah mid dhiiragelin u noqonaya shacabka, maadaama cadaalada la horkeenayo Askarigii dilka geysta.