WAR DEG DEG:- Dil Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Wararka inaga soo gaaraya Isgoyska Zoobe gaar ahaan wadada Laami yaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi lagu dilay Qof shacab ah oo watay Gaari, sida ay sheegeen Dad halkaasi ku sugnaa.

Qof Goobjooge ah oo ku sugan Laami yaraha Zoobe ayaa waxa uu Risaala u sheegay Askari ku labisan Dareeska Ciidanka Dowladda Federaalka in uu Rasaas ku furay Qof loo maleynayo in uu shacab yahay, kaasi oo watay Gaari nuuca raaxada ah.

Sidoo kale Qofka Goobjoogaha ah ayaa inoo sheegay in islamarkiiba uu halkaasi ku dhintay Ninkii Rasaasta lagu furay, waxaana goobta gaaray Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka oo halkaasi ka akdhowaa.

Isu socodka wadada ayaa in mudo ah hakad la geliyay, maadaama Ciidanka ammaanka ay xireen wadada, ilaa Meydka Qofka halkaasi lagu dilay laga qaadayay, inkastoo markii dambe dib loo furay.

Askarigii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday waxaana ku raadjooga Ciidanka Dowladda, si cadaalada loo horkeeno.