DHAGEYSO:- Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay amniga Muqdisho inuusan gacanta ugu jirin dowladda

0

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay ammaanka Magaalada Muqdisho inuusan gacanta ugu wadajir dowladda Federalka Somaliya, xilli muddooyinkii dambe caasimadda ay ka dhacayeen falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar oo ka hadlaayay suggida ammaanka Muqdisho ayaa sheegay inay jiraan ciidan fara badan oo Magaalada buuxa.

Wuxuu sheegay Magaalada inay u eeg tahay xero ciidan, marka la eego ciidamada faraha badan ee dhex buuxa Magaalada Muqdisho, taasi oo sawir ka bixinaysa u eekaanshaha Muqdisho xero ciidan.

Ammaanka ayuu tilmaamay sababta dowladda aysan gacanta ugu wada haynin inay tahay inay jiraan Hotelo badan oo Magaalada ku yaal, kuwaasi oo leh ciidan gaar ah, sidoo kalena xirta jidadka agmara halka ay ka dhisan yihiin hotelaadaasi.

“Amniga Magaalada 100% Dowladda gacanteeda kuma jiro, taas ayaa keentay Hotelada qaar inay wadooyinka qaar si gaar ah u xirtaan, sanadkaan waxaa noo qorsheysan Magaalada inay isku furunto, taasina hadii Bulshada Magaaladan degan qayb ka qaadan ma furmayso sababtoo ah amnigii ayaa mar marsiyo noqonaayo oo hadda Magaalada waxa ay u eeg tahay xero ciidan, Insha Allah wada shaqeynta shacabka oo la helo iyo anagoo sidii wadooyinka u furi laheyn aaan ka shaqeyno.” Ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada maamulka Gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho waxaa dhex buuxa ciidan kala duwan oo qaarkood aanan ka tirsaneyn dowladda Federalka Somaliya, balse hab maleeshiyaad u abaabulan, kuwaasi oo ilaaliya masuuliyiinta dowladda qaarkood sida maamulada Degmooyinka Gobolka.

Ciidanka dhex buuxa Magaalada Muqdisho ayaa sabab u ah falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee Magaalada ka dhaca, maadaama aanan la kala saari Karin dadka dhibaatada geysanaya inay yihiin ciidan dowladeed ama Koox kale oo burcad ah ama Shabaab ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-