DAAWO:- Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland

0

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Waxaana uu kala hadlay Arimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya si gaara Abaaraha ka jira degaanada maamulka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan la qaaday Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey, waxaana uu uga waramay Abaaraha ka jira degaanada maamulka Puntland.

Cabdixakiin Camey ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya inay jiraan xoolo dhaqato Soomaaliyeed oo ku soo hayaamay qaar ka mida Gobolada Puntland kuwaas oo ka kala yimi Waqooyiga,  Galbeedka, iyo Koonfurta Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa Ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay wax ka qaban doonto Abaaraha ka jira degaanada maamulka Puntland.

Hoos ka Daawo Sawirada:-