Aabo iyo labo Caruur uu dhalay oo Gaajo iyo Haraad ugu geeriyootay deegaano ka tirsan Gobolka galgaduud

0

Waraka ka imaanaya deegaan lagu magaacabo Keyn ooman oo 38kiilo mitir ujira Gudinlabe ee Gobolka galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi ay Aabo iyo labo Caruur ah uu dhalay ay Gaajo iyo Haraad ugu geeriyootay deegaankaasi.

Ugaas Salaad Ugaas Maxamed Ugaas Rooble ayaa sheegay in tirada isbuucaan Deegaanadaasi ugu Geeriyootay Gaajo iyo Haraad ay Gaareyso illaa 11 ruux oo ay ugu dambeeyeen aabo iyo labo caruur ah uu dhalay oo xalay deegaankaasi Keyn ooman ugu geeriyoota Gaajada iyo Haraadka.