XOG:- Sedex Qodob oo Farxad u ah Shacabka oo lagu xulanayo Ra’iisul Wasaaraha cusub

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa laga sugayaa inuu soo magacaabo Ra’iisul wasaarihiisa cusub, iyadoo Saddex qodob oo kaliya uu ku xulan doono shaqsiga uu soo wado.

Waxaa xafiiska madaxweynaha gaaray codsiga siyaasiyiin badan oo doonaya iney noqdaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana codsiyadan yihiin kuwo badan.

Farmaajo ayaa ku xulan doono Ra’iisul wasaarihiisa:

1- Aqoonta

2- Daacadnimada

3- Wadaniyadda

Hadaba waxaa la sugi doonaa cidda uu Farmaajo ka dhigan doono Ra’iisul wasaare iyadoo indho badan ay kusoo jeedaan lagana yaabo in dadka qaar haddii uu magacaabo uu la kulmo mucaaradnimo.