Dowladda Kenya oo dooneysa inay baarto telefoonada shacabka iyo Arrin Cajiib ah oo la ogaaday..

0

Maamulka dalka Kenya ayaa shirkadaha mobile-lada ee dalka ku amray in ay ogolaadaan in la ogaado farriimaha shacabka.

Hay’adda dowladda u qaabilsan dhanka isgaarsiinta (CAK) ayaa shirkadaha telefoonada u qortay dalabka ah in lala socdo xiriirka dadweynaha ee mobile-lada isticmaala.

Waxay dowladda dooneysaa in la siiyo akhbaarta wicitaanka, farriimaha iyo lacagaha telefoonada ugu jiro shacabka.

CAK ayaa dooneyso in arrintaasi loo fududeeyo ayadoo la sheegayo in laamo kale oo dowladda ka mid ah ay horey sidaas u sameyn jireen.

Tallaabadan ayaa noqon karto mid saameysa in ka badan 30 milyan oo qof oo telefoon isticmaala.

Waxaa sidaas lagu ogaan karaa waxyaabaha gaarka u ah dadka, waxaana lumi karo kalsoonida ay shacabka ku qabaan shirkadaha isgaarsiinta.

Shirkadaha ugu waaweyn ee dalabka uu saameynayo waxaa ka mid ah Safaricom, Airtel, iyo Orange.

Madaxda shirkadda arrimaha isgaarsiinta u qaabilsan Kenya ayaa qorshaha filayo inuu dhaqangalkiisa bilowdo isbuuca soo socdo.