TOP DHAGEYSO:- Diyaarada weyn ee Hubka geysay Kismaayo oo Xog badan laga helayo iyo Halis looga digay Madaxweye Farmaajo

0

Sida ay inoo xaqiijiyeen Saraakiil Ka tirsan Ciidamada Dowlada ee ku sugan Gobolka Jubbada Hoose waxaa Magaalada kismaayo ka degatay Diyaarad weyn oo siday hub iyo gaadiid ciidan.

Saraakiisha warka inoo xaqiijiyay ayaa intaa ku daray in diyaarada ay ka timid wadanka itoobiya islamarkaana hubka ay ka dejiyeen Ciidamo itoobiyaan ah iyo Ciidamada Jubbaland.

Korneel C/wahaab oo ka mid ah Saraakiisha Dowlada ayaa carab dhabay in arrintan ay halis tahay,isagoona baaq u diray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo in uu wax ka qabto.

Hubka ay ku soo beegmeysaa Xili dhawaan Dekadda Kismaayo uu ku soo xirtay Markab wada Rasaas,Qoryaha Fudud iyo Bistoolado oo ilaa iminka Jubbaland aysan cadeyn cida uu u rarnaa.

HALKAAN KA DHAGEYSO