DHAGEYSO:- Maamulka Ahlu sunna “Farmaajo wax haka barto qaladaadka Dowladihii hore, Waana la shaqeyneynaa”..

0

Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu-sunna ayaa waxa uu ka hadlay Doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo shalay lagu doortay xarunta Afasiyooni.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu-sunna Cali Baashi Aadan Faarax oo u waramay Risaala ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Doorashadii shalay ka dhacday Muqdisho, ee lagu doortay Maxamed Farmaajo.

Waxa uu sheegay hada in ay muuqato ifafaalo ku aadan in dalka uu gaaro hormar weyn oo ay ku liibaani doonaan dadka iyo dalka, isagoo sidoo kale sheegay in ay la shaqeyn doonaan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Cali Baashi Aadan Faarax Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu-sunna ayaa sheegay Farmaajo in looga baahan yahay in uu wax ka barto qaladaadkii hore ee ay galeen Dowladihii hore, taasi oo aheyd mid ay ka dambeeyeen Madaxdii hoggaamineysay.

Waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) in uu ka shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa dadka qaar ee ay xurgufta ka dhaxeyso, taasi oo horseedeysa Hormar iyo nolol wanaagsan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-