Iyadoo Maanta Banaanbaxyo waa weyn oo lagu taageerayo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ay ka dhaceen qaar ka mid ah gobolada Dalka Soomaaliya iyo Muqdisho ayaa waxa hadana kulan Muqdisho ku yeeshay Odayaasha, Nabadoonada, iyo Waxgaradka Beesha Cayr ayaa waxa ayna taageereen guusha Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ka gaaray doorashada Madaxweynaha.
Kulanka ayaa Waxaa soo qaban qaabiyay Ugaas Cabdi Daahir oo ka mid ah Ugaasyada Soomaaliyeed ahna Hormuudka Beesha Cayr.
Waxa ay sheegeen in ay aad usoo dhaweynayaan in uu Maxamed C/llaahi Farmaajo uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya Afarta sano ee soo socota.
Waxa ay sidoo kale u jeediyeen dardaaran ku aadan inuu wax ka qabto Xaalada Gobolada dhexe ee Dalka iyo in uu ka shaqeeyo midnimada ummada Soomaaliyeed.
Hoos ka Daawo Muuqaalka:-