Waaxda cadaaladda ee dalka Maraykanka ayaa difaacday xayiraadihii dhanka socdaalka ee madaxwayne Donald Trump, waxayna ku baaqday in maxkamadda racfaanku ay ayiddo go’aankaas iyadoo fiirinaysa danta amaanka qaranka.
Qoraal 15 bog ka kooban ayay ku faahfaahisay in go’aanka madaxweynuhu uu sharciga waafaqsan yahay isla markaasna uusan ka dhignayn in Muslimiinta la mamnuucay.
Amarka madaxweynaha ayaa mamnuucayay in ay Maraykanka galaan dhammaan qaxootiga iyo dadka ka soo booqanaya todobo dal oo Muslimiin ah.
Racfaankan ayaa loo qoondeeyay in la dhagaysto Arbacada si loo diido ama loo soo celiyo oo uu u dhaqangalo.
Racfaankan ayaa la geeyay maxkamad racfaan oo fadhigeedu yahay San Francisco iyadoo ay jawaab u tahay amarkii Trump ee uu joojiyay Jimcihii xaakim ku sugan gobolka Washington.