R/Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa maanta hoygiisa uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho waxa uu kulan albaabada u xiran kula qaatay Musharax Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh , R/Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas.
Kulankan ayaa sidoo kale waxaa joogay Professor Juurile, Janaraal Axmed Taajir, waxaana lagu lafa guray arrimo badan oo quseeya doorashada Madaxweyne ee la filayo inay dhacdo maalinta Arbacada ah ee soo socota.
Dhinaca kale ilo wareed goobjoog ka ahaa kulankan oo si hoose ugu waramay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa sheegay “Soomaaliya waxay yeelan doontaa hoggaan lagu kalsoon yahay 8-da bishan insha allah”, waxa uuna ka gaabsaday inuu nasiiyo faah faahin intaas ka badan.