DHAGEYSO:- Amaro lagu soo rogay Shacabka Magaalada Boosaaso

0

Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ka digay dadka Qoriga ku dhex wata Magaalada dhexdeeda, xilliga Ciidanka ammaanka ay wadaan Howlgalada gaarka ah, maadaama muhiim ay tahay in la kala saaro Ciidanka iyo dadka qaar ee Qoriga ku dhex wata Magaalada.
Waxa uu sheegay hada in ay gacanta ku hayaan rag dambiilayaal ah oo Qoryaha kula dhex laafiyoonaya Magaalada, isagoo baaq u diray Ragga Istaafyada u ah Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland, baaqaas oo ah in ay ku ekaadaan guryahooda.
Sidoo kale waxa uu sheegay amniga Magaalada muhiim in ay tahay in hal meel laga maamulo, si looga hortago raga falalka amni daro wada.

Hoos ka Dhageyso Codka:-