Trump oo Gorsuch u xushay maxkamadda sare

0

Madaxweyne Donald Trump ayaa u magacaabay Neil Gorsuch in uu xubin ka noqdo xaakimiinta Maxkamadda Sare ee dalkaasi.

49 jirkan ayaa garsoore ka ah maxkamad racfaan oo heer federaal ah taasoo ku taalla magaalada Denver ee gobolka Colorado.

Haddii uu Aqalka Senate-ka u ansixiyo xilkan, ayaa waxa uu buuxin doonaa booska uu banneeyay xaakim Antonin Scalia oo geeriyooday sanadkii hore.

Xaakim Neil Gorsuch ayaa u baahan ansixinta Aqalka Senate-ka, ayadoo xubnaha dimuqraadiga ah ee ka tirsan golahaasi ay wacad ku mareen in ay horjoogsanayaan musharrax kasta oo muxaafidnimadu ku dheertahay.

Mr Gorsuch ayaa u baahan in uu helo codka 64 senator si aqlabiyad loogu ansixiyo. Madaxweyne Trump ayaa ugu baaqay labada dhinac ee golahaasi in ay taageeraan xaakimka.

Waxa uu noqonayaa xaakimkii ugu da’da yaraa ee muddo 25 sano ah loo xusho in uu qeyb ka noqdo maxkamadda ugu saraysa Maraykanka.

Xaakim Gorsuch ayaa ah nin ay doorbidayaan Jamhuuriyiin badan, kuwaasoo doonaya in sharciga loo raaco sida uu yahay.

Waxa uu aaminsan tahay in dastuurka Maraykanka loo raaco si la mid ah sidii ay u raaci jireen raggii asaasay dalka.