Somali Ku Eedeysan Inay Ganacsade Ethiopian Ku Dileen Dalka Koonfurta Afrika Oo La Qabtay.

0

Saddex nin oo Somali ah ayaa shalay loo qabtay fal lagu dilay Ganacsade Ethiopian ah oo ku sugnaa Degmadda Salvakop ee Bartamaha Caasimadda dalkaasi ee Pretoria.

Afhayeenadda Boliska Koonfurta Afrika,, Captain Augustinah Selepe ayaa sheegtay in Ganacsadaha Ethiopia toogasho lagu dilay maalintii Isniinta ee la soo dhaafay, isagoo dhex hurda goobtiisa ganacsiga.

Waxay sheegtay in 3 nin oo hubeysan ay Ganacsadaha habeenkii Jimcihii ugu soo  galeen Dukaankiisa, kadibna ay ku toogteen qol dambe oo uu jiifay.

Dableydii ayaa la sheegay inay dhaceen lacag aan cadadeeda la aqoonin, waxayna ku baxsadeen gaari cad, sida ay Goobjoogayaal u sheegeen Baarayaasha Boliska.

Dhinaca kale, Afhayeenadda Boliska, Captain Augustinah Selepe ayaa sheegtay in loo far muuqay halka ay dableydii dilka geysatay galeen, waxayna Boliska shalay raggii dilka geystay ka soo qabteen  Deegaanka Suunyside ee magaalladda Pretoria.

Waxay kaloo Boliska heleen gaarigii loo adeegsaday dilka Ganacsadaha Ethiopianka iyo qoryo aan sharciyeysnayn.

Eedeysanayaasha Soomaalida oo aan magacyadooda la shaacinin, balse ay da’dooda u dhexeysaa 26-jir ilaa 27-jir waxaa la filayaa in dhawaan la soo taago Maxkamadda magaalladda Pretoria, iyadoo lagu soo oogayo dembiyadda kala ah: dil iyo dhac hantiyeed.