MAQAAL:- Maydin xasuusiyaa dhacdooyin dhacay Golayaashii Shacabka 8aad iyo 9aad mudadoodii oo aan la iloobi Karin?

0

U malayn maayo qofna in uu iloobay wixii dhacay mudada aan sare ku qoray ee cinwaanka, waana lama iloobaan,waxay ahaayeen kuwo xanuunn badan oo qof weli isweydiiyo,wayna ku qornaantoontaa maskaxda mawaadin kasta,Intaas aan ku daayo ararta aan guda galo aniga oo mid mid u soo qaadanaaya;- Baarlamaankii 8aad mudadii uu SH.Shariif Sh.Axmed ahaa madaxweynaha;-

1-Qayb ka mid ah biyaha Soomaaliya ayaa waxaa qaatay dawlada Kenya ayyada oo saxiix ka heshay wasiirkii qorshaynta iyo resulwasaarihii xiligaas oo labaduba hadda u tartamayaan in ay Soomaaliya ka noqdaan Madaxweyne,waxaa jirtay in meediyuhu meydiiyey Shiikh Shariif oo madaxweyne ahaa sida arintaas u dhacday,wuxuuna ku jawaabay in uusan ka warqabin arintaas, asaga oo iskaga riixay wasiirkii iyo resulwasaarihii aan kor ku xusay,Xildhimaanada iyo shacabka waxaan weydiinayaa ninka ka warqabiwaayey dalkii uu madaxweynaha ka ahaa qayb ka mid ah oo dawlad kale qaadatay in uu madaxweyne mar kale soo raadsado manna qabataa?

2-Waxaa dhacday in markii uu SHiikh SHariif dhammeystay mudadiisii uu heshiis ku galay Kambala in hal sano loo kordhiyo asaga iyo gudoomiyihii golaha shacbigka waagaas,islamarkaasna si aan looga dabahadlin awooda laga qaado golahii shacbiga ee jiray islamarkaasna meesha laga saaro resulwasaarihii dalka Maxamed Farmaajo,waana dhacday in uu qalinka wax kaga duugo.Haddaba aan is weydiino see ugu dhiiraday in uu mar kale madaxweyne na weydiisto?

Barlamaankii 9aad oo ah mudadii Xassan Shiikh Maxamuud uu dalka hoggaanka u hayey,waxaa dhacay arimahaan;-

-Hantidii dalka oo la boobay oo aan waxba la hambayn.

-Nabadgelyadii oo faraha ka baxday oo ka sii dartay.

-Marki ugu horeysay oo masuul Soomaali ah afkeysa laga helay Soomaali Galbeed dhul Soomaaliyeed maaha oo Xassan ku dhawaaqay,markii saxaafadu weydiisayna wuxuu ku jawaabay(waxaan ummadda Soomaaliyeed tusayey in aan siyaasadihii hore ee Soomalida jidkeeda ka leexan karno oo aan dhabarka u duwi karno),taas oo ahayd in uu laalay qadiyadii halgankii Gobanimadoonka ee soo taxnaa ilaa waagii Axmed Gurey AUN.

-waxaa la laalay awoodii Golaha shacbiga siddii kii 8aad ayyada oo taladii ay la wareegeen Madashii qaranka ee madaxweynahu gudaamiyaha u ahaa,sidaas awgeed Xassan waxa qabyada ka ah oo uu noo sheegay in uu dhameystiraayo maxay yihiin?

Isku soo wada duub golaha shacbka ee 10naad waxaa manta horyaala sharfta iyo karaamada dalka ,shacbiga iyo tooda

Gaarka ah,waxaana indhaha ummaddu eegayaan halka ay dhigaan 12/02/2017.

Wabilaahi Towfiiq
W/Q: Cabdullaahi Jimcaale,