WAR DEG DEG:- Musharax Madaxweyne oo Goordhow ku Tanaasulay Muqdisho iyo Musharax uu u Tanaasulay oo la ogaaday

0

Munaasabad ballaaran ayaa haatan ka socota Hotelka City Palace taasi oo uu Murashax Madaxweyne Prof. Cali Maxamed Geeddi ku shaacinayo inuu ka tanaasulay hankiisa ku aadanaa Doorashadda Madaxtinimadda ee la qaban doono bisha soo socota ee February 9-da.

Ilo ku dhodhow Prof. Geeddi ayaa u xaqiijiyey inuu Murashaxu maanta Xaflad Qado ka dhigayo Hotelka City Palace, oo uu ku shaacinayo inuu u tanaasulay Murashax Madaxweynev C/qaadir Cosoble Cali oo ay isku jufo yihiin.

Geeddi ayaa la filayaa inuu Musharax Cosoble ka taageeri doono Ololihiisa Murashaxnimo, iyadoo uu Murashaxaasi ka mid yahay Murashixiinta ugu cadcad ee Tartanka Doorashadda.

Murashax Cosoble, waxa uu sannadkii 2012-ki ka mid ahaa Murashixiintii ku tartantay xilka Madaxweynaha ee u uku guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda sababaha rasmiga ee uu u tanaasulay Prof. Geeddi oo mar soo noqday Ra’isul-wasaarihii Dowladdii KMG ee uu Madaxweyne ka ahaa Marxuum C/llaahi Yuusuf Maxamuud.