WAR DEG DEG AH:- Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare oo la doortay

0

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ayaa waxaa loo doortay Mowliid Xuseen Guhaad, kadib markii uu ka guuleystay Musharaxii uu la tartamayay.

Mowliid Xuseen Guhaad ayaa waxa uu helay codad gaaraya 28 cod halka C/kaafi Macalin Xasan oo la tartamayay uu helay codadka 24.

Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa sheegay Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Aqalka Sare in uu ku guuleystay Mowliid Xuseen Guhaad.

Doorashadan ayaa waxa ay soo martay ilaa Saddex wareeg, maadaama Musharaxiin badan ay tartamayeen.

Sidoo kale maanta waxaa la doortay Cabdi Xaashi C/laahi oo noqday Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka iyo Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) oo loo doortay Guddoomiye ku xigeenka Labaad.

Dhowaan waxaa Magaalada Muqdisho ka bilaaban doonta qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, maadaama ay soo idlaatay Doorashada Guddoonka Aqalka Sare.