Rooneey oo waqtigii dhimashada United usoo dhiciyay 1 Dhibic.

0

Xidiga xulka England Wayne Rooneey ayaa caawa United ka badbaadiyay Guuldarro xanuun badan, kadib markii uu waqtigii dhimashada u dhaliyay u dhaliyay Free Kick xili kooxdiisa lagu hogaaminayay 1 Gool.

Labada kooxood ayaa garoonka soo galay iyaga oo doonaya in ay qaataan 3-da dhibcood ee kulankan oo labada dhinacba muhiim u ah.

Kulanka ayaa ku bilowday mid ay labada kooxood ciyaarayaan kubad dhaadheer oo aan kubadaba dhulka loo ogolayn laakiin waxa daqiiqadii 4-aad maamulka ciyaarta la wareegtay inkasta oo aanay weerar badan qaadayn.United ayaa fursadii ugu horaysay oo gool laga dhalin karo heshay daqiiqadii 7 kadib markii kubada xoog loosoo laagay uu tufay goolhayahay kooxda Stoke laakiin waxa ka faa,iidaysan waayay Ibrahimovic oo kubada lugta la waayay waxana dib u qabsaday Goolhayaha Stoke City.

Stoke ayaa markeeda weerar soo qaaday laakiin waxa kubadii ka dilay daafaca kooxda Man United oo yiri walee kubadani ima dhaafto mana aado goolhayahayga.

Kulanka oo ah mid isku dheelitaran oo aad moodo in ay labada kooxood kala baqayaan ayay Stoke City keensatay goolkeedii 1-aad ee ciyaarta xilli Juan Mata si khalad ah uga dhaliyay goolka kooxdiisa sidaasna hogaanka ugu dhiibay kooxda ka soo horjeeda.

Jan 21th 2017 – Stoke, UK – STOKE V MAN UTD-
Man Utd Rooney goal
PIcture by Ian Hodgson/Daily Mail

Man United ayaa isku dayday in ay goolka Bar-baraha keento daqiiqadii 31-aad ee qaybta hore ee ciyaarta laakiin Mata ayaa si qariib ah u khasaariyay kubad uu Ibrahimovic goolka Stoke Hortiisa u soo mariyay.

Ibrahimovic iyo saaxiibadiisa ayaa saameeyay wax walba oo ay ku keeni karaan goolka bar-baraha laakiin goolhayaha kooxda stoke city ayaa ka hor istaagay in ay United ku soo laabato ciyaarta.

Waxana sidaas ku dhamaaday qaybtii hore ee ciyaarta oo 1-0 ku soo xidhantay oo ay hogaanka ku hayso kooxda Martida loo yahay ee Stoke City.

Kooxda Man United ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta kusoo gashay si ay wakhti hore u keenaan goolka bar-baraha laakiin Stoke City ayaa dhigatay bas-kii lagu yaqaanay kooxda chelsea

Man United ayaa diiday in ay guuldaro soo gaarto iyada oi daqiiqadii 93-aad heshay goolkii Bar-barah Iyo United oo halkeedii ka sii wadata Kulamadii Bilaa guuldarada ahaa

waxana sidaa 1-1 ugu dhamaatay ciyaar aad u xiiso badan oo ay labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican.