Real Madrid 2 Malaga 1: Wiilasha Zidane oo jawaab la yaqaan bixiyay.

0

Real Madrid ayaa kulan xiiso badan waxa ay garoonka Bernabue kula dheeleysaa kooxda MAlaga waxaana ciyaartaasi laba gool ku hogaamineysaa kooxda Real Marid.

Qeeybta hore waxaa labada gool u dhaliyey ciyaaryahan Ramos kaasi oo shabaqa ku shubay laba kubadood oo ka timid Toni Kross.

Zidane kooxdiisa ayaa jawaab ka bixineysa guuldaradii ay kala kulantay kooxda Celta Vigo waxaana kulankaasi uu ahaa kulan muhiim ah sidoo kale waxaa laga badiyey kooxda Real MAdrid laba kulan seddex maalmood tiro u dhexeeysa.

Hadaba Ramos ayaa caawa dhaliyey goolkiisa 5aad iyo goolkiisa 6aad ee La Liga,waxaana taasi cadeeey u tahay in Ramos la joojinkarin xilli ciyaareeedkaan.