DHAGEYSO:- Madaxweyne Ku Xigeenka HirShabeelle oo ka hadlay abaaraha ka jira degaanadooda

0

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka HirShabeelle Cali C/llaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa ka hadlay abaaraha ka jira degaanada Maamulka HirShabeelle.

Cali Guud Laawe ayaa sheegay in abaaro daran ay ka jiraan degaanada Maamulkooda loona baahan yahay sida uu sheegay in loo gurmado dadkaasi dhibaateysan.

Waxa uu ugu baaqay Shacabka HirShabeelle iney soo dhaweeyaan Walaalahooda ka soo barakacay degaanada ay abaaraha ka jiraan isa markaana ay muujiyaan dulqaad.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Shacabka loogu baahan yahay in ay Maamulkooda ku taageeraan u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Hoos Ka Dhageyso Codka:-