MAQAAL:- Haanta Qabyada ah. W/Q: Ustaadka Ummadda.

0

Asc:- Haanta Qaybyada ah:

” Ustaadka Ummadda siddaad ku barateenba waa Qalinka Ummadda, waanna lagama maarmaan innuu u bidhaamiyo shacab kiisa fasirka dadban iyo ujeedka dadban ee ku hoos jira qabyo “……..

” Qabyo waa hawl noocay rabto ha noqotee inta la bilaabay ayada oon la ebyin/dhamays tirin la iska waday oo u baahan ruux amma dufcad dhameystirta “….

” Madaxweynuhu asagaa caddeeyay, in hawshii loo diray uusan dhamaystirin oo ay qabyo ka tahay wali, oo ay ku filaan weyday 4-tii sano ee uu ballan qaaday innuu ku dhameystiro hawshii uu dhaarta ku maray “….

” Shacabku taas fasiraado kala gadisan bay baraha Bulshadu wax ku qorto ugaga hadleen, ayaga oo qayba dhinacay rabtay la aaday “….

” Haddaba annaga oo gobonimada ku dhaadanayna xeerinaynana dhaqanka suuban ee sooyaalka ah ee 5oomaaliyeed, kadibna dhowrayna sariigta iyo karaamada Madaxweynaha, waxaan ka turjumaynaa haanta qabyada ah iyo cidda leh dhameystirkeeda”……

Waxayna aqristoow u qormaysaa siddatan:

” Maadaama oo oday Maxammuud (Madaxweynaha) Qarankii 5oomaaliyeed ku tilmaamay haan, shaqadii loo idmadayna uu ku tilmaamay qabyo waliba asaga qabyo ka ah oo innuu dhameystiro ka ligiis laga fili karo asaga oo codsi ku lifaaqayo uu shacabka ugu tusayo hiilkeeda, ayaan jecelnahay innaan ugu fasirno shacabka ujeedka dhabta ah iyo kan maldahan waxa arragti ahaan ay wadaagi karaan “….

” Maadaama haanta aad qabyo ka dhigay mudane Madaxweyne , aadna raacisay in la dhameystiro oo ay dhameystir u baahan tahay, waliba aad codsi ku soo jeedisay in adiga lagaa dhigo shaqsiga dhameystiraya, go’aanka shaqsiga dhameystiraya bulshada aad ku soo xawishay baa leh taladeeda “….

” Waxaa muuqata maxaadka/mudaca haanta lagu qabyo tirayo innaan musharaxiinta 5oomaaliyeed laga xigin, ninka gacanta loo galinayo dhameystir-keedana uu golaha shacabku lee yahay go’aan ahaan “….

” Qaybo qorshe horay qabyo u ahaa ma dhameystirtaa waa su’aal qiimeyn Qaran u baahan iyo arragti durugsan?”…

” Qabyadase innaadan adigu bilaabin ee laguu dhiibay ayada oo qabyo ah oo aad qabyo tiri weyday, maadaama rag kale kaaga horeeyay oo siddaada qabyo tiri waayeen ayagunna, soo kuma haboona in lagu raadiyo qof dhameystiri kara?”..

” Haanta qabyada ahse soo qof walboow dhameystir xaalku maahan, maxaa adiga ku gaar yeelay?”..

“Su’aasha oo qiimayn Qaran lagu odorasay Jawaab teedu, waa haanta qabyada ah qofna kama xigtid Qaran kunna afar sano oo qabyo kale ah iyo qorshe qabyo ah oo hor leh ma qaadi karo bilaacalayk Madaxweyne, qof qabyo toli kara oo qiimayn Qaran wata u daah ha qabyo tiro Haanta si Qaranka loo badbaadshe ustaad “…

Gunaanadkii: 5oomaaliyeey Haanta Qaranka oodhan bay u taal qabyo tirkeeduye Qaranka badbaadsha oo bilaacalayk qabyo qabyo kale ma qaadi karo Qaran kuye yaan la kor saarin.

Fg:- Fadlan aqristoow haddii ay lacala dhacdo innay kugu xambaarto innaad nala wadaagto arragtidaada qofeed ha noqoto mid hufan oo anshaxa qormada iyo sariigta qofeed dhowraysa.

Mahadsanidin,

Ustaadka Ummadda.